August 6, 2020 | Posted by admin

HomeNews

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo gaaray dalka Turkiga

By mahad -August 6, 2020FacebookTwitterPinterestWhatsApp

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Socdaalka Madaxweyne Qoorqoor ayaa ah kii u horreeyay uu ku tago Turkiga, tan iyo markii xilka Madaxweynaha Galmudug loo doortay.

Waxaa soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Safiir kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa Turkiga u degan qoyskiisa, inta uu joogo Turkiga ayaa la filayaa inuu maro baaritaan caafimaad.

Waxaa uu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga iyo qaar ka mid ah hey’adaha horumarinta dalka Turkiga.

COMMENTS