August 5, 2020 | Posted by admin

Shilkaan Gaari waxuu ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan waxuuna dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxuuna ka dhacay Xaafada Howl-wadaag oo ka tirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shilka ayaa yimid, kadib markii uu wadada ka baxay uuna rogmaday Gaari nooca soomaalida ay u taqaano niicda kaas oo siday Agab kala duwan,waxaana goobjoogayaal ay xaqiijiyeen in shilkaasi ay ku dhimatay Haweeneey 5 ruuxna ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay shilka gaari ayaa waxaa la sheegay Isbitaalka Weyn ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ,kuwaas oo qaarkood la sheegay in xaaladooda Caafimaad ay liidato.

Maamulka magaalada Beledweyne weli kama hadlin Shilkaasi gaari,waxaana dadka Shacabka ah u gurmaday dad ka agdhawaa halka uu shilka ka dhacay,kuwaas oo toosiyay Gaarigii rogmaday.

COMMENTS