July 6, 2020 | Posted by admin

2 Askari ayaa la xaqeejiyay in ay ku dhinteen is qab qabsi ka dhashay dhul ku yaala meel udhaw Madaxtooyada Hirshabelle.

Laba askari oo mid AMISOM yahay in mid kale oo Boliis ah ayaa ku dhintay dagaal Halkaasi ka dhacay, waxaana sidoo kale dhaawac ah ilaa 4 askari oo ka tirsan Boliiska Hirshabelle.

Dagaalka ayaa ka bilaawday dhul ku yaala meel udhaw Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar oo Milkiydiisa uu sheegtay Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada Degmada jowhar Cabaas qalaabi.

dhulka waxaa muranka galiyay Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Hirshabelle oo doonayay in ay xoojiyaan amniga Madaxtooyada oo Halkaasi dhiganayay caratuur, waxaana ka biya diiday ciidamo ku heeb ah gudoomiyaha arimaha Bulshada Jowhar.

Dagaalkaasi oo bilaawday saaka waxaa ku dhintay 1 askari, waxaana ka dib uu sababay in Ciidamada militaarka ay kala wareegaan Kontaroolka jowhar Boliiskii joogay, ka dibna waxaa halkaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wadarta Guud ee qasaaraha dagaalka Jowhar ayaana la xaqeejiyay in ay tahay 2 dhimasha ah iyo 4 ruux oo dhaawac ah.

COMMENTS