July 6, 2020 | Posted by admin

Madaxda Maamul goboleedyada oo keligood ah ayaa la filayaa in 8 bishan shir ku yeeshaan magaalada Dhuuaamareeb ee Caasimada Galmudug.

Wada hadalo dhanka Taleefanka ah oo dhex maray ayaa la isku afgartay in Maamul Goboleedyada oo wadajir ah shir isugu yimaadaan, iyadoo la filayo in war murtiyeed laga soo saaro kulanka dhex mari doona.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu fashilmay kulankii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray Maamul goboleedyada, kaasoo Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July, kaddib markii ay qaadaceen Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

COMMENTS