July 7, 2020 | Posted by admin

Iyadoo maanta oo ah 7 bisha July lagu wado in Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ka soo muuqdo Wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ayaa war ka soo baxay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxaa loogu baaqay dowladda Federaalka inay ilaaliso xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda Saxaafadda.

Wariye C/casiis Axmed Gurbiye ayaa la xiray 14-kii bishii April, isagoo muddo shan cisho ah u xirnaa dowladda Soomaaliya, iyadoo markii dambe damiin lagu sii daayay, tan iyo xilligaas waxaa laga xanibay xoriyaddiisa dhanka shaqada warbaahinta iyo in aanu waxna ku daabici karin bartiisa bulshada.

Waxaa loo heystaa qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay oo ku saabsanaa qaabka Madaxtooyada ula macaamishay arrimaha Coronavirus, waxaana illaa haatan heysata Madaxtooyada.

Dacwada Maxkamadda Gobolka Banaadir ku soo oogtay Wariye Gurbiye ayaa ah  “aflagaado (maamul hay’ad siyaasadeed, maamul ama garsoor,” iyo “daabacaad warar been ah.

Hey’adda Human Rights ayaa sheegtay in eedeynta C/casiis Gurbiye ay tahay mid aan sal laheyn, waxaana ay ugu baaqday dowladda inay dacwada wariyaha sida ugu dhaqsiyaha badan u tuuraan

“Eedeyntu waxay xadgudub ku tahay waajibaadka Soomaaliya ee ku xusan heshiisyada xuquuqda aadanaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ilaaliya xuquuqda dadku ay ku dhaleeceeyaan masuuliyiinta dowladda iyo hay’adaha dowladda. Sida guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xuquuqda Dadka uu caddeeyay, kuwa “u qaata doorka shacabka aad loo arki karo waa inay la kulmaan heer naqdin ka badan kan muwaadiniinta gaarka loo leeyahay; haddii kale doodda guud waa la baabi’in karaa gebi ahaanba. ” ayaa lagu sheegay Warbixin kasoo baxday Hay’adda Human Rights watch.

“Maamulka waa inay si dhakhso leh u tuuraan dacwadaha loo haysto Cabdicasiis ayna cadeeyaan in faallooyinka xasaasiga ah ay tahay soo dhaweynta bulshada dimoqraadiga ah. Iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso geeddi-socodka doorashada, dowladdu waa in ay muujisaa in saxaafadda madax-bannaan ay ka muhiimsan tahay sidii hore”

Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka ee Maajo, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa si cad u ballan qaaday in dib u habeyn lagu sameyn doono qodobbada xeerka Soomaaliyeed ku xusan in ee lagu dhaqo Saxaafadda, islamarkaana dowladdiisa ay ilaalin doonto Xoriyadda Saxaafadda, laakiin wali waxaa sii socda dhibaatadda dowladdu ku heyso Wariyeyaasha Soomaaliyeed sidda ay sheegeen ururada u dooda Saxaafadda.

COMMENTS