July 5, 2020 | Posted by admin

Ciidamada Booliska ayaa xirxiray qaar ka mid ah dad horkacayay banaan bax looga soo horjeedo dowladda Federaalka oo saaka ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa is hor-taag ku sameeyay wariyeyaal duubayay banaan baxa, waxaana laga qaatay qalabkooda warbaahinta, dadka qalabka laga qaatay waxaa ka mid ah howlwadeeno ka tirsan Telefishinka Universal.

Qoraal goor dhow Telefishinka Universal uu soo dhigay barta Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in Ciidanka Booliska ka qaateen qalabkooda, mid ka mid ah wariyeyaashooda loogu hanjabay in la dilayo.

Dadka ay Ciidamadu xireen ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee degmada C/casiis Cusmaan Muxiyadiin Cariif iyo labo qof oo mid dumar aheyd, wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaas la jirdilay.

Inkastoo banaan baxa ay ka qeyb galeen dad yar, lagana hortagay, ayna Ciidamada u adeegsadeen rasaas ay ku kala eryeen hadana waxaa uu dhinac kale yahay mid saameyn badan leh, xilli xaaladda siyaasadda dalka ay cakiran tahay oo la isku khilaafsan yahay Doorashada 2020/2021.

Ciidamada Booliska ayaa la soo dhoobay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, waxaana wadada dhinacyadeeda taagnaa Gaadiidka dagaalka.

COMMENTS