July 5, 2020 | Posted by admin

Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa la sheegay in dabley hubeysan ay kala degeen gaari uu saarnaa oo marayay meel ku dhow deegaanka Gololey ee gobolka Sh/dhexe.

Xildhibaankan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa dableyda kala degtey gaariga loo malaynayaa inay yihiin ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.

Gaariga lagala degey xildhibaanka ayaa ka tegey saaka magaalada Jowhar isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho,waxayna dableyda wadada u gashay gaariga ay fasaxeen dhammaan dadkii kale ee saarnaa gaarigaas oo noociisu ahaa Noah.

Alshabaab ayaa sheegtay in ay dileen Xildhibaanka oo saaka ka soo ambabaxay Magaalada jowhar ee caasimada Hirshabelle.

Wadada u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa hore weeraro ay uga geysanayeen labadii sano ee la soo dhaafay dagaalamayaasha Al-shabaab iyagoo weeraradaas ay ku dhinteen xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe iyo ciidamo milatari ah.

COMMENTS