July 5, 2020 | Posted by admin

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan kulan albaabada u xiran la leh Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Ibraahim Muudey.

Kulankan oo ka socday Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ah mid looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana kulankan uu yahay mid ka dambeeyay dalab ka yimid labada Guddoomiye.

Wararka ayaa sheegaya in labada Guddoomiye ay farriin ka sidaan Madaxweyne Farmaajo, waxaana kaloo jira warar sheegaya inay martiqaad kulan kawadaan Madaxweyne Farmaajo.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa loo arkayay muddooyinkii u dambeeyay inay u kala dabqaadeysay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashi hore, iyadoo labo jeer oo hore uu kulan dhex maray Hoggaanka Madasha iyo Guddoonka Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa cadaadis kala kulmaya Madasha Xisbiyada Mucaaradka oo ku saabsan doorashada, iyadoo Madaxweynuhu ku adkeysanayo doorashada hal qof iyo hal cod oo aan la isku raacsaneyn qaabka ay u dhaceyso shaki badan ka jiro.

Si kastaba ha ahaatee xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid marxalad cusub oo xasaasi ah galeysa, iyadoo muddo xileedka Madaxda hadda talada heysa ay ka dhiman tahay 8 bil.

COMMENTS