July 16, 2015 | Posted by admin

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde ) oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Dhaxe ayaa fariin u diray Kooxda Ahlu Sunna Waljamceea ee katalisa qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud iyo Maamulka Puntiland.

Indha Cadde ayaa ugu baaqay Kooxda Ahlu Sunna ee maamusha qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud in ay ka tanaasulaan Maamulka ay sheegeen in ay dhisteen ayna wadahadal ka sameeyaan wax walbo oo tabashooyin ah ay qabaan.

Waxa uu ka codsaday Kooxda Ahlu Sunna in ay ka fikirana danta dadka ku dhaqan Gobolada Dhaxe ayna katanaasulaan go’aanadii ay horey u qaateen , waxa uuna sheegay in Kooxdaasi ay xaq u leedahay in ay raadsato waxa ka maqan iyada oo wadahadal u mareysa.

Yuusuf Indha Cadde ayaa dhinaca kale ugu baaqay Maamulka Puntiland oo iyagu si weyn uga soo horjeeda Maamulka Galmudug in ay wadahadal la galaan maamulka Cusub wax walbana lagu dhameeyo wadahadal iyo isfahan.

Waxa uu Tilmaamay in Maamulka Puntiland laga doonayo in xaalada ay dajiso ayna abuurin xasarad Siyaasadeed, waxa uuna ugu baaqay in ay aqbasho wadahadal ay la gasho maamulka Dariska la ah ee Galmudug.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde ) ayaa imaanaya xili Maamulka Puntiland iyo Kooxda Ahlu Sunna ay kasoo horjeesteen maamulka Galmudug ee dhawaan lagu dhisay Magaalada Cadaado .

COMMENTS