July 16, 2015 | Posted by admin

150715235908_sp_us_prison_524x351_reuters
Madaxweynaha dalka mareykanka Barack Obama waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda xabsi dhexe maanta, kaas oo ku yaalla gudaha dalkaasi.
Waxa uu booqnayaa xabsiga Oklahoma, ujeedana waxa ay tahay in dareenka lagu soo jiito, iyadoo tirade dadka xabsiyada kujira ay sare u sii keceyso.
Waxaa sidoo kale jira ballanqaad ah in la fududeeyo shuruucda qaar ee xukunnada.
Tani waxaa loo arkaa inay tahay tallaabadiisa ugu dambeyso ee uu isbedelka ugu shameynaayo shuruucda maxalliga ah.
Madaxweyne Barack Obama ayaa ku dhawaaqi doono fursad weyn oo ay helaan kuwa dhameystay xabsigii lagu xukumay.
Mareykanka waxaa maxaabiis ku ah tirade ugu badan ee caalamka, inta badan dadka xiranna waa madowga asal ahaan ka soo jeeda Afrika.
null
dadka qaar ayaa mudo dheer ku xirnaada xabsiyada
Lataliyayaasha aqalka cad waxa ay sheegayaan in tani ay gaar u tahay madaxweynaha oo aaminsan in nidaamka cadaaladda dembiyada uu noqonayo mid u leexday dhanka dhaqaalaha iyo jinsiyadda.
Qiyaastii 2.2 milyan oo qof oo mareykanka lagu xiray, ku dhowaad kala bar waxaa lagu eedeeyay dembiyo la xiriira Mukhaadaraad, sharcigaasna waxaa la sameeyay 1980kii xilligaas oo Mareykanka uu dagaal adag kula jiray maandooriyayaasha.
Madaxweyne Obama waxa uu doonayaa in la yareeyo waqtiga dheer ee lagu xukumaya dadka daraagiska aan qalalaasaha lahayn ku lugta leh.
Kaddib maanta markuu tago xabsiga, waxaa la filayaa inay jiridoonaan mucaaradaad yar inuu kala kulmo xisbiga Jamhuuriga ee hadda haysta aqlabiyadda Congresska.
Sidoo kale waxaa laga carooday fikirka ah inuu yareynayo dhaqaalaha 80 ka bilyan ee Mareykanka uu ku bixiyo la dagaallanka daroogada.

COMMENTS