January 10, 2021 | Posted by admin

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shir Maanta ku yeeshay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan oo qado ahaa ayaa Madaxweynuhu ku martiqaaday Madaxda ayaa looga hadlayay xaaladihii ka soo kordhay is mari waagii ka taagnaa doorashada oo shalay Xukuumadda ku dhawaaqday in la guda galayo hirgelinta doorashada si aan waqti kale u sii lumin.

Kulankaan ayaa xoogiisa ku yimid kaddib markii Madaxweyne Qoorqoor uu caddeeyay inuu fashilmay dadaaladii uu waday, isagoo eedda dusha ka saaray Puntland iyo Jubbaland.

Go”aankaas waxaa ka dhashay Muran xoogan oo ay qabaan Xubnaha Mucaaradka iyo sidoo Kale siyaasiinta soomaaliyeed

COMMENTS