January 10, 2021 | Posted by admin

Soomaaliya waxay Cagta Saartay Waddo aan Wanaagsaneen Waxaana Jahawareer Xoogan uu ka jiraa Habsami usocodka Howlaha Doorashooyinka Dalka.

Xukuumada Soomaaliya waxay shalay ku dhawaaqday Howlaha Doorashada Dalka iyo in La guda gelaayo, waxaana Go’aankaas ka maqan Madaxda Puntland iyo Jubbaland, Laakiin waxaa Go’aankaas Taabacsam Hogaamiyaasha Galmudug, Hirshabelle, Konfur galbeed iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir waana 4 Loo arko in ay yihiin Madaxda sida gaarka ah Dowladda Kala shaqeenaysa Doorashada.

Go’aankaasi ka dib Waxaa Dalka laga dareemay Culeys siyaasadeed Halka dadka Qaarna ay dareemayeen in Doorashadu ay Soo iftiintay.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi xaashi Cabdullaahi iyo xubna siyaasiin ah oo qaarkood Dowladda ka tirsan kuma qanacsana Dadaalada Dowladdu ay ku bixinayso Doorashada, waxayna Kal Hore qaadaceen Guddiga Doorashada ee dowladdu dhistay.

Xubnaha Mucaaradka dhankoodu waxay Meel uga soo wadajeesteen go’aanada Dowladd ee Doorshada, waxayna ku eedeeyeen Guddiga Doorashada in ay yihiin Shaqaale Dowladeed iyo xubna ka Tirsan Hay’adaha Amniga.

Caawa Muqdisho waxaa ka socda Shir u dhaxeeya Xubnaha Mucaaradka musharaxiinta iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada  kaas oo ka socda
Hadda Hotel Decale ee ku yaala Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waxaa hadda gaaray Hoteelka Madaxweynayaasha Hirshabeele, K/galbeed, Galmudug iyo midowga musharixiinta, Shirka ayaa hadda ka furmaya Hotel Decale, Waxaana gaaray dhinacyada shirka ka qaybgalaya.

COMMENTS