July 25, 2020 | Posted by admin

HomeNews

Xisbiga Wadajir oo ka soo horjeestay xilka qaadista Ra’iisul Wasaare Kheyre

Qoraal uu soo saaray xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay in xisbigu uu ka soo horjeedo xilka qaadista uuna yahay mid aan loo marin hab sharci ah oo dastuurka waafaqsan.

Xisbiga Wadajir ayaa waxa uu ku macneeyay ujeedka xilka qaadista inay tahay mid lagu carqaladaynayo ka miradhalinta natiijada shirka Dhuusamareeb.

Sidoo kale, Xisbiga Wadajir ayaa ku baaqay in lagu gacan siiyo xukuumada inay ka miro dhaliso natiijada shirka Dhuusamareeb. Ugu dambeyntii xibsiga Wadajir ayaa ka digey in muddo korosi uu ka dhaco dalka.

Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay Xisbiga Wadajir;

COMMENTS