July 25, 2020 | Posted by admin

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ka soo horjeestay xilka qaadista xukuumada uu madaxda ka ahaa Xasan Cali Kheyre inay tahay mid bilow u ah Muddo Korosi.

Qoraal uu soo saaray Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in xilka qaadista maanta uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka ay tahay mid lagu carqaladeynaayo hanaanka doorashooyinka dalka, islamarkaana lagu sameynayo Muddo kororsi.

“Waxaan aad uga xunahay in xilligan uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka uu horseed ka noqdo qalalaase siyaasadeed oo ay adag tahay maareynteeda,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Ugu dambeyntii waxaa ay Madasha Xisbiyada Qaran ka digeen isku day kasta oo lagu doonayo Muddo Kororsi.

COMMENTS