July 21, 2020 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Shirka looga hadlaayo arimaha doorashooyinka ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in ay wali qabaan walaac ku aadan in aan la gaarin go’aan mideysan oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay  inay aqoonsan karaan Shirkaasi oo kaliya marka laga wada qeyb galo tallada lagu go’aaminayo doorashada Soomaaliya isagoo sheegay inay ku baaqayaan in dhinacyo gaar ah aysan isku koobin.

Waxaa uu tilmaamay in Madasha Xisbiyada Qaran ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso tilaabo walba oo looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, isagoona sheegay in wali aysan cadeyn xilliga doorashada dalka ay dhaceyso.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda uu ka furmo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

COMMENTS