July 21, 2020 | Posted by admin

Madaxda Xisbiyada qaran oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay Fatahaad Wabiga Shabelle uu ka gaystay Qaar ka mid ah Goballada dalka.

Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif shiikh Axmed ayaa si weyn uga hadlay arimaha Fatahaada iyo Gurmadka ay ubaahanyihiin shacabka in lala gaaro.

waxay si wadajir ah Dowladda dhaxe, Maamul Gobaleedyada , iyo Hay’adaha Deeqaha bixiya ugu baaqeen in Gargaar shacabkaas lala gaaro.

Sidoo kale Madaxda Madasha ayaa ugu baaqay  ganacsatada Soomaaliyeed in ay qeyb ka qaateen Gurmadka lagu caawinayo Dadka Soomaaliyeed.

Hadalka Madasha ayaa ku soo aadaya xilli Qeybo ka mid ah Labada shabelle ay ku barakaceen dad kumanaan ruux ah oo fatahaada Wabigu uu aad u saameeyay.

COMMENTS