February 4, 2022 | Posted by admin

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed oo saacado u xirnaa Ciidamada Amniga Koofur Galbeed ayaa goordhow la sii daayay.

Ciidamada Amniga ayaa C/rashiid kala baxay hotel uu ka deganaa Baydhabo, kaddib markii uu saakay tagay magaalada, si uu ugu tartamo doorashada Kursiga Hop197.

C/rashiid oo qaraabo la ah Mukhtaar Roobow oo dowladda u xiran ayaa ka mid ah xubnaha mucaaradka ku ah Maamulka Madaxweyne Lafta Gareen dhowr jeer dhaliilo u jeediyay.

COMMENTS