June 7, 2021 | Posted by admin

Taliyaha qeybta Guud ee gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan oo ka jawaabaya cabasho ka timid dadka isticmaala wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa kormeer ku tagay goobihii ay kasoo yeertay cabashada.

Taliyaha ayaa furay wadooyin hore u xirnaa oo ay dadku cabashada kasoo gudbiyeen isagoo sheegay in wadada oo dhan la furi doona marka ay dhamaato wajiga labaad ee dhismaha oo filayo in dhawaan ay bilaabato.

Gaadiidlayda isticmaala wadadaas iyo shacabka ayaa uga mahadceliyay taliye Farxaan howsha uu maanta ka qabtay wadadaas.

COMMENTS