June 6, 2021 | Posted by admin

Ninki lagu eedeyay dilka xaaskiisa oo gacanta lagu soo dhigay ka dib Saacado la baadi Goobayay.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa hada shaaciyay in gacanta ku hayaan eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 2021.

Qoraal ka soobaxay Boliiska ayaa Lagu sheegay in Bashiir Cabdi Xasan uu wajahidoonaa Cadaalada.

shalay ayaa Qabuura ku yaala Muqdisho Lagu aasay Marxuumada Salaado Faarax oo Habeenkii sabtida uu saygeeda oo Macalin School ahaa ku dilay Degmada warta Nabada ee Gobalka Banaadir

COMMENTS