June 11, 2020 | Posted by admin

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka ah in ay waaqici noqoto oo ay dhageysato tallooyinka loo soo jeedinaayo xilligaan kala-guurka ah.

Taabit ayaa sheegay in la joogo xilli xasaasi ah oo u baahan in looga gudbo dabeecad Qaran iyo tanaasul.

Sidoo kale waxaa uu muujiyay in dowladda Federaalka ay halis ugu jirto in kaalinteedii lala qeybsado, haddii ay sidan wax ku sii socdaan.

Waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta inay ka foggaadaan hadalada abuuraya rajo beelka Shacabka

Halkan hoose ka akhriso:-

Marxaladda kala-guurka ah waa ineysan noqon mid abuurta naceyb, fowdo iyo is eedeyn. Waa xilli u baahan in qof walba uu xaqiiqada la fal-galo. Waa waqtiga ugu xasaasisan, waxaana looga gudbi kara dabeecad qaran iyo danta guud oo loo tanaasulo.

Qoraalladii Aqalka Sare, Dowlad Gobolleedyada qaarkood iyo Safaaradda Mareykanka waxey bidhaamiyeen baahida loo qabo wadahadal.

Dowladda Federaalka ah waxaa hortaal iney waaqici noqoto, tallooyinka dhageysato oo aysan abuurin jawi dhiisha lagu wada cugo.

Awrka raran usha u dambeysa baa dhabarka ka jebisa ee tan hore ma’ahan, Dowlad walbana xilliga u dambeeya ayay is-furataa ama rarku ka furtaa.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa isu dulsaaran qalin iyo buug, waxeyna diiwaanka ku qori doonaan siyaasi walba oo majaxaabiya rajada Qaranka iyo fursadooda ka qeyb noqoshada hayaanka dowladnimo loo dhanyahay, sidaa darteed waa in aan hubinaa hadalkeena iyo ficilkeena, oo aanan dhiilo xun abuurin.

Mahad-badan

COMMENTS