June 11, 2020 | Posted by admin

Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeisa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa ku saabsanaa wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Axsaabta Siyaadda dalka .

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey , sidoo kale waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo ismaaciil (xaliimo yareey).

Wasiirka arimaha guddaha iyo guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa goddoonka golaha shacabka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga uga warbixiyay wax ka badel ay si wadajir ah ugu sameeyeen Sharciga Axsaabta Siyaadda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo ismaaciil Ibraahim (xaliimo yareey) sida wanaagsan oo ay uga wada shaqeeyeen wax-ka-beddelka iyo Kabista sharciga Axsaabta Siyaasadda dalka.

COMMENTS