February 6, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaaam oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay natiijo la’aanta uu ku dhammaaday shirkii maalmahan socday, waxaana mas’uuliyadda burburka ku yimid wada hadaladaas uu dusha uga tuuray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaaam ayaa ka hadlay sababihii dhaliyay in natiijo la’aan uu ku dhamaado shirkii Dhuusamareeb waxana uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu sabab u ahaa natiijo la’aanta.

“Madaxweynuhu wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga un baa ka talinaya, haddaba Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, annaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo annaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara ma’aha, waa Nasiib darro”ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbalaand.

Madaxweynaha ayaa shaki geliyay in dalka Soomaaliya uu madaxweyne ka ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo.“Farmaajo afar sano wadankaan aan arkay isagu ma maamuleen ee yaa maamulayay, waxaan diyaar u ahay wax kasta oo xal lagu heli karo, waxaan ka xumahay dagaalka ka socdo gobolka Gedo.

”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbalaand oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee uu goor dhaweyd uu ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu ku laabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta kmg dowlad gobaleedka Jubbaland uuna ka hadli doono siyaasadda dalka marka uu tago Kismaayo.

COMMENTS