February 5, 2021 | Posted by admin

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xalane ayaa sheegaya in Beesha caalamka ay wadaan isku dayo ku aadan in shirka Baarlamaanka ee berri in aanu qabsoomin, sidoo kalena aanu Madaxweynaha ka soo tagin Dhuusamareeb, waxaa jira xiriiro kala duwan oo Wakiilada Beesha Caalamka la sameeyeen dhinacyada kala duwan ee ku sugan Dhuusamareeb si shirka aanu u fashilmin

Shirka dhuusamareeb ayaa Fashil ku dhaw waxaana Laga cabsi qabaa in Lagu kalatago.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Maanta dhuusamareeb shir jaraa’id ku qaban lahaa ayaa dib udhigay Hadalkiisa, waxuuna shaacin lahaa in Shirku uu Fashilmay Laguna Heshiin wayay.

Sidoo kale Golaha shacabka ayaa Fariimo Loo kala diray Kuna saabsan in Madaxweyne Farmaajo uu biri Horimaanayo Xildhibaanada, balse Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo ku saabsan in Shirkaasi uu dib udhaco.

55

COMMENTS