April 10, 2021 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti ee uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariifka ayaa Madaxweyne Geelle Alle uga baryay inuu la garab galo xilka culus ee shacabka Jabuuti u doorteen, isla markaana u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha dalka Jabuuti walaalkeen Ismail Omar Guelleh oo markii shanaad loo doortay inuu sii hogaamiyo dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxaan leeyahay Allaha kula garab galo xilka culus ee shacbiga Jabuuti ay kuu doorteen, waxaana u rajeynayaa guud ahaan Jabuuti horumar iyo barwaaqo” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

COMMENTS