April 10, 2021 | Posted by admin

Guddigii xukuumaddu xilgarsiinta u saartay baaritaanka dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun oo Maanta galka Baarista kiiskaas ku wareejiyey xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amnga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Warsheere oo kamid ah Ehellada Guddoomiyihii degmada Hodan ayaa sheegay in baaritaanka dhacdada lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ay bilaabeen 28-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan, isla markaana natiijadii soo baxday ay u gudbiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

Waxaa uu hadalkiiss uu intaasi ku daray in dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan aysan aheyn mid la qaadan karo, isla markaana ka maamul ahaan ay daba socon doonaan ila uu cadaalad ka helo.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale aya sheegay in muddo laba Bilood ah ay ku qaadatay baaritaanka dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan, kaas oo uu sheegay in meel wanagsan ay soo gaartay.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Hay’adaha garsoorka dalka ay Shaqadooda qabsan doonaan ayna bilabi doonaan qadiska dacwadda Kiiska uuna rajeeynayo inay Cadaalad heli doonaan Qoyska guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun.

COMMENTS