April 28, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo qoraalka hoose ku soo qoray bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay shacabka barakacay ee reer Muqdisho ay dib u soo laabtaan.

Rooble ayaa Ciidamada faray inay u fududeeyaan Shacabka in ay Guryahooda ku soo laabtaan.

“Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helaan nabad iyo xasillooni”

COMMENTS