September 28, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal u jeediyey murashaxiinta iyo Ergada Aqalka Sare Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dhammeystirka qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergada wax dooranaysa in sababaha lagu kala dooranayo murashaxiinta ay noqdaan kuwo ku saleysan, daacadnimo iyo alle ka cabsi.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la bilaabo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, isagoo ugu baaqay in la soo dhammeystiro Kuraasta Sanatarrada ah ee aan wali la soo dooran oo dowlad goboleedyada qaar ay wax ku dhiman yihiin.

Eng. Rooble ayaa xusay in mar walba uu u taagan yahay caddaaladda bulshada Soomaaliyeed, isla markaana kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax laga weecin doonin hannaanka caddaaladda loogu raadinayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in xiligaan muhiimka ah ee dalku ku jiro doorashada loo midoobo amniga, meelna looga soo wada-jeesto wax walba oo ammaanka wax u dhimaya.

COMMENTS