October 12, 2010 | Posted by Duhur

Muqdisho: (Duhur) Qaar ka mid ah qoysaskii ku harsanaa Xaafadaha degmada Hodon ee gobolka Banaadir ayaa bilaabay inay isaga barakacaan Xaafadahooda kadib markii ay u adkeysan waayeen dagaalada ka socda degmadaa iyo biyo la’aan soo wajahday.

Iyadoo magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ay ka socdaan Dagaalo u dhaxeeya dhinacyada isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho ayaa saameyn culus dagaaladaasi waxaa ay ku yeesheen qoysaskii fara ku tiriska ahaa ee ku noolaa Xaafado ka tirsan degmada Hodon ee gobolak Banaadir kuwaasi oo bilaabay in ay isaga barakacaan xaakadahooda.

Saacadihii u dambeeyay ayaa qoysas Barakacayaal ah oo ka cararay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho waxaa ay gaareen deegaanada loo barakacay iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Qoysaskii ugu dambeeyay ee ka barakacay dagaalada ka socda degmada Hodon ee gobolka Banaadir oo gaaray degmada Afgooye ee gobolak Sh/hoose ayaa sheegay in ay la soo daristay dhibaatooyin dhanka nolosha ah, waxeyna ka codsadeen dhinacyada dagaalamaya inay dagaalada si ay xaafadahooda dib ugu laabtaan sida ay ku warameyso haweenay maalintii shalay ka carartay dagaalada ka socda degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Barakacaani cusub ee ay sameynayaan qoysas fara ku tiriska ahaa ee ku harsanaa xaafadaha degmada Hodon ayaa sidoo kale sabab u ah marka laga soo tago Dagaalada joogtada ka noqday xaafadahooda biyo la’aan iyo koronto yari soo wajahday, waxaana dadkaasi oo intooda badan deganaa sarihii dhaadheeraa ee Afrikaan Felej iyo Bangaariyada ay bilaabeen haatan inay ka cararaan Xaafadahooda.

Horey ayaa deegaanada loo barakacay waxaa uu buux dhaafiyay qoysas farabadan oo ka cararay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoona dadkaasi Xaaladahooda nololeed ay ka deyriyeen hay’adaha u dooda Xaquuqda aadanaha iyo kuwa Barakacayaash ah.

COMMENTS