October 12, 2010 | Posted by Duhur

Khilaaf Ba’an oo muddooyinkii u dambeeyey isa soo tarayey ayaa oo u dhexeeya Hogaanka sare ee ururka Al-shabaab, kaas oo cirka isku shareeray kadib markii hogaanka sare ku kala aragti duwanaadeen fikirka ku saabsan dagaalka ka socda Somalia.

Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane (Abu Subayr) iyo Mukhtaar Robow oo hore u ahaan jiray Afhayeenka Ururkaasi Al-shabaab, haatana ka mid ah saraakiisha sar sare ee ururkaasi ayaa dhawaanahanba waxa ay ku muransaayeen habka saami qaybsiga Mansabyada.

Labadan Sarkaal ee ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Mukhtaar Roobow oo ka soo kala jeeda dhalasho ahaan Somaliland iyo Somalia ayaa Mukhtaar Roobow uu ku eedeeyey hogaanka sare in Mansabyada ay ka mid yihiin Khasnajiga guud uu ka dhigay nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somalialnd iyo xubno kale oo muhiim ah, taas oo Mukhtaar Roobow uu si weyn uga soo horjeedsaday.

Khilaafkan ayaa sidoo kale ilo xogogaal ahi ay sheegayaan inuu salka ku hayo fikirka ay kala aaminsan yihiin Axmed Godane iyo Roobow, kaas oo Axmed Godane uu hogaamiye garab aaminsa in dagaalka ka socoda Somalia uu qayb ka yahay jihaadka caalamiga ah ee Alqacida ay hormoodka ka tahay, isla markaana dhamaan Muslimiinta Madow iyo Cadaanba ay xaq u leeyihiin inay ka qayb qaataan dagaalka Somalia, garabkan ayaa fikirkoodu uu ku salaysan yahay caqiidada Takfiirka ee odhanaysa in cidii ka soo horjeedsata ay gaalo yihiin dhiigooduna uu banaan yahay.

Garabka kale ee shabaabka ee Somalida u badan ayaa loo malaynayaa inuu hogaamiyo Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo uu ka mid yahay Sheekh Cali Dheere iyo Saraakiil kale oo Somali ah, waxaanay aaminsan yihiin in dagaalka Somalia uu yahay mid Somalia ku eg oo aan xadka Somalia la dhaafin cadowgana Somalia gudihiisa lagula dagaalamo. Waxa la sheegay inuu Garabkani cambaareeyey qaraxyadii Hotel Shaamow iyo kuwii ka dhacay magaalada Kampala.

Marka laga yimaado labadaasi fakir ee kala duwan ee shabaabka dhexdooda ka jira khilaafka Abu Mansuur iyo Axmed Godane waxa uu soo bilawday kadib markii xoogag uu horkacayo Abu Mansuur ay qabsadeen Baydhabo bishii Jenuary ee 2009-kii markii Ethiopianku ka baxay iyagoo halkaasi ku qabtay wasiiro iyo madax ka tirsanaa dawladda oo uu ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade, balse markiiba ay si nabadgelyo ah u sii daayeen, siidayntaasina waxa ka cadhooday Axmed Godane hogaamiyaha al shabaab oo isagu aaminsa in cid kasta oo ka tirsan dawladda kumeelgaadha ahi ay yihiin Murtadiin dilna mudan yihiin.

Abu mansuur waxa uu isku dayey inuu ururada Alsbabaab iyo Xisbul islaam ay midobaan isagoo madax ka ahaa argada ka socotay dhanka Alshabaab ee la xaajoonayey xisbul islamaam, waxaanay labada dhinacba ku heshiiyeen in magac kale la qaato xilalkana la qaybsado.

Tan iyo intii khilaafkani uu isa soo tarayey ayaa waxa laga dareemayey awooda ururka Alshabaab, kaas oo dawladda Sheekh Shariif iyo Ciidamada Amisom ay ka qabsadeen aagag Cusub.

COMMENTS