August 18, 2010 | Posted by Duhur

Muqdisho-.Duhur-.Qaraxyo iyo dilal is bar barsocda waxay xalay ka dhaceen Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, halkaasi oo uu ka jiro maamulka Dowladda KMG oo tabar u la’ sugida Amaanka Degmadaasi iyo Degmooyinka kale ee ay maamusho dowladda.

Qarax Bambo F1 ah xalay salaada Maqrib kadib lagu weeraray Saldhiga Afar irdoodka oo ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska degmadaasi, qaraxa kadibna ciidamada waxay fureen rasaas culus.

Goob joogayaal ayaa sheegay qaraxa inuu sababay dhaawaca laba askari iyo laba qof kale oo rayid ah kuwaas oo marayay afaafka hore Saldhiga Afar irdoodka degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale xalay degmada Xamarweyne waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya, kaasoo dhac u geystay dad shacab ah.

COMMENTS