August 4, 2020 | Posted by admin

Wararka ka imanaya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in qarax aad u weyn uu gilgilay magaalada Beirut ee wadankaas, iyadoo tobaneeyo ruux ay ku dhinteen tiro kabadana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu burburiyay guriga mid ka mid ah Masuuliyiintii ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka Lubnaan. Hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Sacad Xariiri aysan waxyeelo ka soo gaarin qaraxa.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay dab, holac iyo uuro badan wata waxaana qaraxa laga maqlay meelo fogaanshahooda uu gaarayo magaalada Nicosia ee jasiiradda Qubrus, oo 240 km u jirta Beirut.

Qaraxan oo ka dhacay meel ku dhow dekeda Beirut ayaa waxaa weli ka socda badbaadada dad badan oo ku hoos jira dhismooyin burburay.

Wasaarada Caafimaadka dalka Lubnaan ayaa sheegtay in boqolaal ruux ay ku dhaawacmeen qaraxan.

Illaa hadda lama oga waxyaabaha sababay qaraxa iyadoo ay la sheegay in qarax noocan oo kale uusan hore uga dhicin dalka Lubnaan.

COMMENTS