November 21, 2021 | Posted by admin

Midowga musharaxiinta # HOP67 ayaa shirar u socday shalay ilaa maanta soo saaray warmurtiyeedkaan,sidoo kale waxaa hada si xowli ah ku socda shirar qadiyadeysan oo ay yeelanayaan bulshada iska leh Kursiga oo ay horkacayaan nabadoonadii lahaa saxiixa kursiga,waxaa shirarkaas iyagana mardhow kasoo bixi doono go’aano muhiim ah oo ay ku difaacanayaan xaqooda ugana hortegayaan boobka qaawan ee ka dhanka ah karaamadooda iyo jiritaankooda.Waxaan ugu baaqayaa guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada beelweynta Banaadir in ay si wada jir ah uga dhiidhiyaan ugana hortagaan boobka hordhaca u ah guud ahaan doorashada Somaliya laguna waxyeelaynayo magacooda iyo maqaamkooda.

Waxaan ugu baaqaynaa Ra’salwasaare Rooble iyo Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha in ay arinkaan si wada jir ah uga hortagaan anigoo rajeynaya in ay fahamsanyihiin in aan Dalka sidaas Doorasha uga dhaceyn.

Waxaan sidoo kale Gudiyada Doorashada heer Federaal iyo heer Gobal ugu baaqeynaa in joojiyaan boobka aan la aqbali doonin, ogaadaana in boobka kursigaan iyo kuraasta la midka ahi uu saban u noqon doono in aysan qabsoomin doorashada kabkabka ah ee la isku maaweelinaayo.Mooryaanimo socon mayso hadaan leys xaq dhowrina sharcina lagu wada joogin,qola kasta shaqadi ay taqiin ayaa loo dirayaa waana laga xayuubinaya xilalka ay sida shilka ah ku heleen.

COMMENTS