June 24, 2020 | Posted by admin

Illaa 130 Xildhibaan Mooshin ay ku saxiixan yihiin oo lagu dalbanayo in kuraasta Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir ay noqoto 13 Kursi ayaa loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka.

Mooshinkan ayaa la filayaa in cod loo qaado, iyadoo olole badan oo tan iyo xalay soo socday ay wadeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye ay ku guuleysteen in mooshinka la geeyo, si loo helo in kuraasta Gobolka Banaadir loo kordhiyo.

Guddigii wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka oo soo diyaariyay xeerarka dhammeystirka doorashooyinka ayaa markii hore soo jeediyay in kuraasta Aqalka Sare lagu kordhiyo 7 Senator oo Gobolka Banaadir la siiyo.

Hase ahaatee Xildhibaannada qaar ayaa doonaya in kuraasta intaas laga badiyo, si ay Gobolka Banaadir u hesho matalaad rasmi ah, kana sara marto kuraasta Xubnaha maamul goboleedyada kale, maadaama Muqdisho ay tahay Caasimaddii dalka.

Dooddii shalay ee Baarlamaanka ayaa aheyd mid aad xasaasi u aheyd oo Xildhibaannada horboodaya in matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir laga dhigo 13 Xildhibaan, kana codsanaya Xildhibaannada kale inay taageeraan.

COMMENTS