June 24, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay in been abuurka lagu sameeyey, lana bedelay xeerarkii dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka ee Guddiga wadajirka labada Aqal ay soo diyaariyeen mid aan aheyn in la horgeeyey Golaha Shacabka.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaa Aqalka Sare ayuu kaga digay cawaaqibka ka dhalan kara xeerkaan la bedelay, isagoo xusay inuu baalmarsan yahay go’aankii maamul ee Guddiga wadajirka lagu magacaabay 28 bishii Febraayo, xadgudubna ku ah hannaanka xeer dejinta dalka, kuna abuureysa kalsooni daro hey’adaha kale ee dowladda.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa faray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in aanay u isticmaali karin doorashada 2020/21 go’aan kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka oo si gaar ah ugu saabsan afarta Xeer ee laga been abuuray, inta laga saxayo qoraalka afarta xeer ee loo qeybiyay Golaha Shacabka loona marayo habraaca xeer dejinta Dastuuriga.

Qoraalka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa qeyb ka ahaa lifaaqyo ku jira Warbixintii Guddiga Wadajirka ee diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka ee ahaa afarta xeer oo 10 maalmood kaddib xeerkii ay soo gudbiyeen xeer aan aheyn la horgeeyay Golaha Shacabka.

COMMENTS