July 30, 2020 | Posted by admin

Mid ka mid ah Madaxda Xisbiyada Mucaaradka, kana tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa si lama filaan ah isugu sharxay xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaddib is casilaadii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays ayaa Muqdisho ka bilaabay olole uu ku doonayo xilka Ra’iisul Wasaare.

Kulan xalay ka dhacay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa la sheegay in Xildhibaan C/qaadir Cosoble uu ku soo bandhigay damaciisa xilka Ra’iisul Wasaare, una bandhigay xubnaha duubabka dhaqanka Beesha, sidii xilkaas loogu raadin lahaa, maadaama xilka Ra’iisul wasaare uu yahay mid awood qeybsi ah oo Beelaha hawiye ka imaan doono.

C/qaadir Cosoble oo hore u noqday oo xilka madaxweynaha kula taramay Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho ka wada shirar ay ku wehliyaan xubno ka tirsan xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana socda galaangal loogu jiro in Madaxweyne Farmaajo lagu qanciyo inuu xilka Ra’iisal wasaraha u magacaabo musharaxan.

Inkastoo Madasha Xisbiyada Qaran ay ka hor-yimaadeen go’aanka Baarlamaanka ee xil ka qaadista Ra’iisul Wasaare Kheyre, ayaa hadana la ogeyn in si guud ah Madasha u rabto xilka Ra’iisul Wasaare iyo in kale, waxaana layaab ah sida Mr Cosoble ugu dhalatay rajada xilkan, maadaama Madasha uu ka tirsan yahay ay si weyn uga soo horjeeday Hoggaanka Madaxweyne Farmaajo.

Ka sokow ololaha uu C/qaadir Cosoble ugu jiro doonista xilka Ra’iisul wasaare ayaa waxaa jira xubno kale oo iyana quudareynaya xilkaas oo ka tirsan Madasha Xisbiyada, waxaana dad badan rumeysan yihiin in Madasha ay ku kala qeybsan tahay raadinta xilka Ra’iisul Wasaare ee uu ka tagay Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheek Axmed ayaa la sheegay inay si cad u diideen inay qaataan xil Ra’iisal wasaare oo ka mida dowlad waqtigeeda 6 bilood ka yar ka harsan tahay.

COMMENTS