July 30, 2020 | Posted by admin

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in 6-ruux oo ku sumowbay raaahiin ay cuneen la dhigay Cisbitaalka magaalada Jowhar halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Dhibanayaashan oo ka mid ah dadka Dhuxusha duurka ka soo gura ayaa laga keenay tuulada Buulo feermo oo dhanka bari kaga beegan caasimadda Hirshabeelle ee jowhar.

Labo ka mid ah lixda ruux ayaa la sheegay in ay xaaladooda caafimaad liidato halka afarta kale roon yihiin.

Lama oga nooca sunta ee Raashiinka ay cuneen haleeshay, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada jowhar iyo guud ahaan Hirshabeelle.

COMMENTS