October 3, 2020 | Posted by admin

Wararka aan ka heleyno degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xafadda salaam ee waaxda Xaawo-taako ayaa sheegaya in saakay halkaas lagu arkay qof meyd ah oo la dilay.

Si gaar ah goobta meydka lagu arkay ayaa u dhaxeysa iskoosyada Balacksii iyo Bara-ubax ee wadada 30-ka, ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ayaana gaaray halka lagu arkay meydkaas.

Qofka meydkiisa lagu arkay goobtaas ayaa la sheegay in uu yahay rag. Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ruuxa la dilay dusha laga saaray Baagado.

Ciidamada ammaanka ayuu sheegay goobjoogahaasi inay goobta ka bilaabeen baaritaano, lamana sheegin illaa hadda cid loo soo qabtay dilka ruuxaas, sidoo kale weli lama aqoonsan qofka la dilay.

Khamiistii lasoo dhaafay aagga saakay lagu arkay meydka ruuxaas waxaa ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday askar ka tirsaneyd ciidamada ammaanka.

COMMENTS