October 2, 2020 | Posted by admin

Madaxweynihii Hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Doorashadii Dowladdu ku dhawaaqday.

Hoos ka akhriso Qoraalka C/kariin Guuleed.

Sida loo soo koobay waqtiga doorashada waa mid boggaadin leh. Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda xubnaha ka ah waxaan ku ammaaneynaa iney aqbaleen soo jeedinteenii aheyd in aan doorashadu dhaafin 8da Febraayo si looga baaqsado jahwareer siyaasadeed, waxaana markale ku baaqeynaa in la dedejiyo shaqooyinka dhiman si uu jadwalku u noqdo mid suurto-gal ah.

Kaalinta fiican ee siyaasadda laga siiyay haweenka Soomaaliyeed sannadihii dambe waxaa ay Qaranka u abuurtay rajo wanaagsan, sidaa darteed waxaan codsaneynaa in la ilaaliyo kootada haweenka ee labada Aqal, sidoo kale waa in laa xoojiyaa fursaddaha dhallinyarada ee ka qeyb galka doorashada si loo helo Qaran caafimaad qaba.

Waxaa kaloo muhiim ah in la ilaaliyo hufnaanta doorashada. Waxaan ka digeynaa in la isku dayo in hannaanka doorashada la fara-galiyo ama laga leexiyo dhabaha uu hada ku socdo. Sidoo kale maadaama xilli xasaasi ah la galay waxaan ku baaqeynaa in masuuliyad gaar ah la iska saaro ammaanka doorashada, si aaney argagixisadu nooga dhex faa’iideysan.

Mahadsanidiin

COMMENTS