June 14, 2015 | Posted by admin

130525131836_african_union_aniversary_summit__512x288_afp
Madaxda Afrika ayaa waxa ay maanta shirkii Midowga Afrika ku yeelanayaan magaalada Johannesburg ee waddanka Koonfur Afrika.
Halkudhigga rasmiga ah ee shirkan oo ah midkii 25aad ee Midowga Afrika ayaa ah “Sanadka Xoojinta iyo Horumarinta Haweenka”.
Hasayeeshee arrimaha la filayo in ay horkacaan ajandaha ayaa waxaa ka mid ah weerarrada ajaanib nacaybka ah ee dhawaantan ka dhacayay Koonfur Afrika, jahwareerka ka taagan Burundi, dhibaatada ka jirta South Sudan iyo arrimo kale.
Midowga Afrika ayaa inta badan waxaa lagu dhaliilaa inuu ka fogaanayo wax kaqabashada xaaladaha huraya ee saamaynta ku leh qaaradda, sannadkanna shir-madaxeedka lama filayo inuu ka duwanaado kuwii ka horreeyay.
Dadka wax indha indheeya waxay sheegayaan in doodo la qaban doono, laakiin natiijadu ay noqon doonto meel maran.
Ajendaha aadka u buuxa waxaa la filayaa inuu diiradda saaro Burundi, qalalaasaha South Sudan, mashaakilka Nigeria ka haysta dagaalka ay kula jirto Boko Xaraam iyo khatarta ay Al Shabaab ku hayso Afrikada Bari.
Madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir, oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada u doonayso eedeymo ku saabsan dambiyo dagaal ayaa sidoo kale jooga magaalada Johannesburg si uu shirka uga qayb galo.
Amnesty International ayaa ugu baaqday xukuumadda Koofur Afrika inay xirto oo gacanta u galiso maxkamadda ICC.
Koonfur Afrika waxay ogolaatay inay shirka martigaliso daqiiqaddii ugu dambaysay, khataro argagixiso oo ka jira Chad dartood.
Laakin qalalaasihii u dambeeyey ee ajnabi nacaybka ee magaalooyinka Johannesburg iyo Durban ayaa waji gabax ku noqday dalka shirkan marti galinaya.
Zimbabwe, Mozambique, iyo Nigeria ayaa ku dhaliilay xukuumadda madaxweyne Jacob Zuma weerarrada.

COMMENTS