June 14, 2015 | Posted by admin

A6A5A074-4601-49DB-8209-60A5057C4675_w640_r1_s
Markab sidday qaxooti ka badan 2100 qof oo u soo kireeyey ganacsade Cabdi Cali Faarax ayaa gaaray dekedda magaalada Boosaaso. Qaxootigan ayaa isugu jira haween, carruur iyo dad waayeel ah.

Qaxootigan waxaa la socday qunsulka Soomaalida ee magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Guddoomiyaha gobolka Bari Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays ayaa VOA u sheegay in tirada qaxootiga soo gaaray Puntland ee ka soo cararay colaadda ka jirta dalka Yemen ay gaaranayaan 16 kun oo qof oo u badan Soomaali.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qaxootiga ay ku jiraan 580 qof oo Yemeniyiin ah, 6 qof oo Jabuutiyaan ah, 7 qof oo Kenyaan ah iyo 59 qof oo Itoobiyaan ah.

Qaxootiga Soomaalida ayaa marka ay gaaraan Boosaaso waxaa loo soo gudbiyaaa gobollada Soomaaliya ee ay ka soo jeedaan.

COMMENTS