September 27, 2021 | Posted by admin

Warbaahinta Ka Howlgasha Magaalada Dhuusamareeb ee  caasimada Galmudug ayaa caawa baahisay in askar ka tirsan Ahlusunnada ku sugan oo ku sugan Deegaanka Bohol ay taleefano ka furteen dad safar u ahaa qaybo ka mid ah waqooyiga gobolka Galgaduud.

Warkan oo idaacadaha ay baahiyeen ayay ku sheegeen in ay waraysteen dad Goobjoogayaal ah iyo qaar ka mid ah dadka dhaca loo geystay.

Lama oga run ahaan shihiisa warkaan iyo sida Loo aamini karo dadka Waraysiga Laga qaaday Balse, waxaa xusid Mudan in Ciidamada Ahlusuna ay ku suganyihiin Qeybo ka mid ah Galgaduud.

Wali lama hayo ilo ka madax banaan dadka la sheegay in dhaca loo geystay oo sheegaya run ahaanta xogtan, iyadoo warkan kusoo beegmayo xili Taliska Booliiska Galmudug war uu maanta soo saarey ugu baaqay Ahlusunna in ay joojiso abaabulka ay ka wado Huurshe.

COMMENTS