September 27, 2021 | Posted by admin

Wasiirkii haweenka ee Itoobiya, oo ahayd mas’uulkii dowladdeed ee ugu horreeyey ee qira in kufsi dhacay intii uu socday dagaalkii Tigray, ayaa Isniintii maanta ku dhawaaqday in ay is casishay.

Wasiirka haweenka Itoobiya ma aysan sheegin sababta ay isku casishay, balse waxay hadalkeeda sii raacisay in ay ka qoomameynayso in aanay si dhaqso leh u gudbin iscasilaadeeda.

“Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga, waxay lid ku tahay wixii aan xukumayay iyo qiyamkayga, khiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteenna,” ayay Filsan Cabdullaahi Axmed ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Bishii Febraayo, Filsan waxay sheegtay in kufsi aan shaki ku jirin uu dhacay intii uu socday dagaalka hadda 10 bilood ka socda gobolka woqooyi ee Tigray oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo TPLF.

Bishii la soo dhaafay waxay u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, warbixin ay soo saareen guddi-howleed loo xilsaaray kufsiyada dhacay, in loo diray xeer -ilaaliyaha guud, si loo ogaado baaxadda dambiyada iyo cidda masuulka ka ahayd.

Waxay sheegtay inay rumeysan tahay in saraakiisha fulinta sharciga ay sameynayaan intii karaankooda ah, laakiin ay rajeyneyso in shaqadu ay si dhaqso leh u socon doonto.

Iscasilaadeeda ayaa ku soo beegmaysa hal toddobaad ka hor markii raysal wasaare Abiy, Xisbigiisa Barwaaqo uu si weyn ugu guulaystay doorashooyinkii qaran ee horaantii sanadkan.

Abiy, ayaa lagu wadaa inuu magacaabo xukuumad cusub.

Amnesty International ayaa bishii hore sheegtay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ee isbahaysiga la ah ay kufsi u gaysteen boqolaal haween iyo gabdho ah oo ku nool gobolka Tigray, kuwaas oo qaarkood loo gaystay adoonsi galmo iyo naafeyn.

Xigasho Hiiraan Online

COMMENTS