September 13, 2021 | Posted by admin

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray majaajiliistaha caanka ah ee u dhashay dalka Tanzania Ibraahim Mustafa oo ay soomaalidu u taqaan (Basadiir)Basadiir ayaa ah nin si aad ah looga yaqaano baraha bulshada ee ay soomaalidu isticmaasho.

Waxaa uu soo bandhigaa sheekooyin u badan maad iyo qosol.

Waxaa inta badan muuqaaladiisa afsoomaali u tarjumay nin dhallinyaro ah oo la yiraahdo Farxaan Diraac kaasoo siduu sheegay oggolaanshiyo ka helay jilaa Ibraahim Mustafa saaxiibna la noqday.

Basadiir ayaa horay u ballan qaaday in uu soomaaliya imaan doono kuna faraxsan yahay in soomali badan ay taageero u yihiin.

COMMENTS