August 3, 2020 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in doorashada Soomaaliya uu waqtigeeda ku qabto,isla markaana dalka uusan gelin dagaalo sokeeye.

Cali Mahdi, isaga oo khudbad ka jeedinayay Shirka Beesha mudullood ee Maanta ka furmay Muqdisho ayuu sheegay in Madaxweynaha xilka haya ee Farmaajo uu dadaalay waxna qabtay waxna u harsan yihiin, hayeeshee lama huraan ay tahay doorashada oo waqtigeda ku dhacda.

“Waxaan leeyahay Cabdullaahiyow waqti badan oo wax la qaban karay waan joogtay oo Magac iyo Hantiba aad kasban kartay,hadii uu xil waxtaraayo waa inaad fulisaa sida Dastuurka ku qoran oo doorashada waqtigeeda ku dhacdaa mana jirto cid Soomaali ah oo yeeleysa in doorashada dib loo dhigo ayuu yiri” Cali Mahdi.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dalka uu u baahan yahay dowlad Cadaalad ah,hadii la waayanaya wax walba ay sababi karto,sidoo kalena loo baahan yahay in dowladda hadda jirta ay warka cadeeyso.

Inta badan Siyaasiyiinta Caanka ah ee Maanta ka qeyb-galay Shirka Beesha Mudullood ayaa waxaa ay u soo jeediyeen Madaxweyne Farmaajo in uu doorashada waqtigeeda ku qabto kana aqbaleyn muddo kororsi.

COMMENTS