October 12, 2020 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hambalyo ku aadan 66 guurada ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la taagan calanka Soomaaliya u direy shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayaa hadal uu ugu talagalay maalinta calanka shacabka u jeediyay waxana uu sheegay in mudddii uu dalka xukumayay ku guulaystay in calanka buuluugga ah dib looga taago dagaanno badan oo ay horay u haysteen kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab iyadoo la xureeyay in ka badan 25 degmo oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Degmooyinka iyo deegaannada Alshabaab laga xoreeyay xilliyadaas waxaa kamdi ahaa: Baydhabo, Beledweyne, Xudur, Waajid, Marka, Buulaburte, Mahadaay, Cadale, Warshiikh, Baardheere, Garbahaarey, Beledxaawo, Kismaayo, Baraawe, Luuq, Tiyeeglow, Bardaale, iyo tuulooyin ay mid yihiin Sabiib, caanoole, Tooratoorow, Owdhiigle, Dhanaane iyo deegaanno kale.

“Calanku waxa uu ii leeyahay taariikh gaar ah,Waxaa xilka madatinimada la ii dhaariyay September 2012 iyada oo aan calankeena laga taagi karin in ka badan 85% dhulka Koofurta iyo bartamaha dalka. Calan madoow ayaa ka taagnaa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxwayne Xasan ayaa sheegay in xukuumaddii uu hoggaaminaayay ay suurgalisay in calanka dib looga taago deegaanno badan “Ilaaheey fadligiis, Dadaalka halyeeyadeena iyo haggaaminteena waxaan ku guuleysannay in Calankeena cirka u eg dib looga taago gobolla badan oo ka dul babado” ayuu raaciyay.

Madaxwayne Xasan ayaa sheegay in Ilaalinta calanka ay halyeeyo badan oo uu ka mid ahaa halgamaa Alle ha u naxariistee Maxamed Cabdulle Xalane Soomaaliyeed u hureen dhiigood,ayna mudan tahay in maanta kale la xuso taariikhdooda sii jiilka cusub loo xusuusiyo muhimadda calanka.

Madaxwaynihii hore ayaa ugu danbaymtii ugu hambalyeynayaa umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba maalinta calanka. Wuxuuna ku bogaadiyay muujinta jacaylka aan u qabno calanka in aan ka taagno Guryaheenna, Gawaarideenna iyo Goobaheenna ganacsigaba. Wuxuuna sheegay in dalkeenu leeyahay mustaqbal ifaya.

COMMENTS