October 12, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Ereteriya Asias Afwerk iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka  Itoobiya, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Asias iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Bole International Airport ee Itoobiya uga hortegay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed iyo  Mas’uuliyiin kale, waxaana loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha Ereteriya Asias Afwerk ayaa Casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isla markaana waxaa labada dhinac ay qaadan doonaan kulan gaar ah oo looga hadli doono arrimo kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Asias ayaa sigaar ah uga wada hadli doona Arrimo ku aadan xaaladda Gobolka Geeska, waxaan Asias uu Addis Aabab joogi doonaa saddex maalmood.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadkii lasoo dhaafay booqasho qaadatay laba maalin ku tegay Magaalada Asmara, waxaana halkaas uu kulan kula qaatay Madaxweynaha Ereteriya Asias Afwerk.

COMMENTS