October 27, 2020 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ayaa ku sii jeeda magaalada Jowhar, halkaasoo ay ka socoto howlaha lagu soo xulayo Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle, dhowaanna ay ka dhici doonto doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Shariifka ayaa la ogeyn sida uu galaangal ugu yeelan karo dhismaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle, maadaama shaqada ka socota Jowhar ay heer gabogabo ay mareyso.

Inkastoo Hirshabelle ay tahay deeggaanka uu ka soo jeedo ayaa la rumeysan yahay in xilligan looga saameyn badan yahay, isla markaana Taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu yahay ninka malafka Hirshabelle gacanta ku haayo, isagoo kaalin weyn ku lahaa magacaabidii xubnihii Guddigii doorashada heer Federaal ee dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Waare.

Abdiaziz Golf

COMMENTS