October 27, 2020 | Posted by admin

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug waxaa gaaray wafdi u hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

Wafdifan oo saaka ka duulay Muqdisho waxaa qey ka ah Wakiilada EU ,Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Galmudug ayaa waxa safarkoodu ku saabsanyahay Arimaha Doorashoyinka, Amaanka iyo Siyaasada.

Sido kale waxaa safarkooda qayb ka ah in Caasimada Galmudug ee Dhusamareeb laga hergaliyo Xarun weyn oo ay yeelanayaan UN ka taas oo laga hagidoono howlaha hormarineed ee ay UN-ku ka wadan guud ahan Galmudug

COMMENTS