November 16, 2020 | Posted by admin

Mooshin Culus oo ka Dhan ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa Bilowday iyada oo markaan Galmudug Gashay Xaalad adag

Tirada mooshinka Saxiixday ayaa Gaareysa 25 Xildhibaan Waxaana Gaadaal ka riixayo Xildhibano katirsan Baarlamanaka Soomaaliya Labadiisa aqal oo Deegaan Doorashadooda ay tahay Galmudug kuwaas oo Horey qaar kood ula socday madaxweyne qoor-qoor olaliihisana qeyb ka ahaa.

Xildhibanadaan mooshinka Gadaal ka Riixayo ayaa sabab Arintaan uga dhigay Kadib markii madaxweynaha ay ku edeeyeen in uu magacaabay guddi Doorasho oo looga soo dhiibay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay ku edeenayan in uu isku koobay talada maamulkaan madaama uu Horey u Balanqaaday markii uu mucaraadka soo gacan galinayey in talada uu wax ka siinayo.

Galmudug oo Dhawanahan iftiin Bxineysay ayaa laga cabsiqabaa in xaalada ay is Badasho hadii arintaan laga hortagin.

Madaxtooyada Soomaliya iyo mida Galmudug oo arintaan ka war helay aya iyadana wado qorshe arintaan looga hortagaayo.

COMMENTS