November 17, 2020 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa, ayaa looga hadlay xaalada doorashada iyo muranka ka jira Guddiyada doorashada ee ay soo magacawday dowladda Federaalka.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif u bandhigay arrinta Guddiyada doorashada iyo muranka ka taagan, sidoo kalena guddiyadaas aanay aheyn kuwo lagu kalsoonaan karo, maadaama ay ku jiraan askar iyo shaqaale xafiisyada madaxda sare.

Warar laga soo xigtay Axmed Qoorqoor ayaa sheegaya in talooyinka musharaxiinta iyo tabashada ay qabaan uu gaarsiin doono Madaxda dowladda, sidoo kale wuxuu difaacay Guddiga uu soo magacaabay ay yihiin guddi uu ku kalsoon yahay oo aan dhibaato ka imaan doonin.

Illaa 12 Musharax ayaa dhowaan soo saaray war saxaafadeed ay uga soo horjeedaan magacaabida Guddiyada doorashada oo ay ku tilmaameen kuwo aanan dhex dhexaad aheyd, iyagoo ka digay qalalaase amni iyo mid siyaasadeed oo ka dhasha arrintaas.

COMMENTS